WARARKA SOOMAALI

Dhacdo Layaab leh: Ciidanka Amniga oo Muqdisho ku qabtay Haweeney Canug xaday

By xuseen waashitoon

April 20, 2023

Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay haweeney xaday Canug yar oo umul ah, kaasi oo dhalnaa 13 maalin, waxaana laga xaday Hooyo Soomaaliyeed oo degan duleedka magaalada Muqdisho.

Taliska Booliska Gobolka oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa ay ku sheegeen in howlgal ay sameeyeen ciidamada lagu guuleystay in lasoo qabto haweeneyda Canuga ka xaday hooyadii dhashay oo degan Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho.

Sidoo kale Taliska ayaa tilmaamay in Canuga umusha ah loo diray Isbitaal, si baaritaano Caafimaad loogu sameeyo, halka haweeneyda eedaysanahana ay ku socdaan baaritaano la xiriira sababta keentay inay soo xado canug dhalnaa 13 maalin oo kaliya.

”Taliska ciidanka booliiska Qeybta guud ee gobolka Banaadir oo ka jawaabaya cabasho ay hooyo Soomaaliyeed baraha bulshada ku baahisay, taasoo ahayd in laga xaday canug yar oo 13 bari dhalalan ayaa gacanta ku soo dhigay canuugii iyo eedaysanihii qaaday 20-4-2023” ayaa lagu yiri warka booliiska kasoo baxay.

Hooyo Soomaaliyeed oo Umul aheyd kuna nool deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa sheegtay in Axadii lasoo dhaafay labo naag oo isla socda u yimaadeen ayna siiyeen raashin sumeesan ,kaddibna ka qaateen cunuga oo jiray 13-maalin.