WARARKA SOOMAALI

DFS oo War kasoo saartay Dhul-giriiryo lagu hoobtay oo ka dhacay Turkiga & Syria

By xuseen waashitoon

February 06, 2023

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga tacsiyeysay Dowladda Turkiga khasaarihii iyo waxyeeladii ka dhashey dhulgariirki xoogganaa ee is xigey ee ku dhuftey qeybo ka mid ah dalka Turkiga.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda ayaa lagu sheegay in DFS ay murugada la qeybsaneyso Dowladda iyo shacabka Turkiga oo dhulgariirkaasi ay kaga dhinteen boqolaal qof, dhaawacyo badan iyo khasaare hantiyeed intaba.

“Dowladda Soomaaliya waxay Ilaahay uga baryeysaa dadkii halkaasi ku dhintey inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, inta ku dhaawacanteyna Ilaahay u booga dhayo” ayaa lagu yiri Warka.

Waxaa sidoo kale ay Dowladda Soomaaliya ugu baaqday Dunida Muslimka iyo caalamka intiisa kale inay garab istaagaan shacabka iyo Dowladda Turkiga inta lagu guda jiro waqtigan adag ee gurmadka masiibada dhacdey.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay sidoo kale ka tacsiyeysay shacabka reer Syria ee iyaguna ku waxyeeloobay dhulgariirkan xooggan ee ka dhacay xadka labada dal ee Turkiga iyo Syria.