WARARKA SOOMAALI

DFS oo War kasoo saartay Ciidamo lagu soo Bandhigay duleedka Muqdisho

By Xuseen Post

January 12, 2021

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay ciidamo abaabulan oo la sheegay inay ka hor tegayaan in doorasho aan loo dhameyn lagu qabto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo soo saaray war qoraal ah ayaa ka hadlay arrimaha ciidamadaas oo si aad ah muuqaalladooda lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka.

Al-Cadaala ayaa ugu horreyn sheegay in ciidamadaasi aysan aheyn kuwo ka soo horjeeda doorashooyinka dalka, isaga oona been abuur ku tilmaamay arrintaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in muuqaalka la soo bandhigay aan hadda la duubin, islamarkaana ciidamada ka soo muuqday aysan aheyn kuwo falaago ah.

“Muuqaalka maalmahaan lawareejinayay ee lagu sheegay Ciidamo kasoo horjeeda Doorashada waa been abuur aan Sal iyo raad lahayn. Muuqaalka la isticmaalay ma aha mid hadda laduubay Ciidamada ka muuqdana ma aha falaago” ayuu yiri Al-Cadaala.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay warbaahinta iyo dadka kale ee wax faafiya in ay ka fiirsadaan farriimaha ay la wadaagayaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda been abuurka ah.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in muuqaalka la baahiyey uu gaf weyn ku yahay ciidamada iyo shacabka, islamarkaana loo baahan yahay in aan la hurin colaad aan jirin.

“Waa ku gaf Qaranka, waa ku gaf Ciidamada, waana ku gaf Shacabka Soomaaliyeed. Colaad hurintu ma aha dimuquraadiyad,” ayuu sii raaciyey.