WARARKA SOOMAALI

DFS oo shaacisay inay Soomaali hor leh kasoo badbaadisay Colaada Ukraine

By xuseen waashitoon

March 29, 2022

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay soo badbaadisay 348 muwaadin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa gudaha dalka Ukraine iyo soohdintiisa oo ay ka socdaan dagaal xoogan oo khasaaro lixaad leh geystay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu fududeysay in 65 arday lagu meeleeyo xarumaha tacliinta sare ee dalka Hungary, kadib markii ay ka diiwaan geliyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa ku boorrisay ardayda Soomaaliyeed ee iska diiwaan gelisay inay wax ka bartaan dalka Ukrain, isla markaana xiisaynaya inay waxbarashadooda sare ka sii wataan meel ka baxsan dalka Ukraine inay is-diiwaangeliyaan.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa u farxad ah in ay ku dhawaaqdo in 348 muwaadin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa gudaha dalka Ukraine iyo soohdintiisa oo qaarkood caddaymo la’aan ahaa la soo badbaadiyay” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda ay soo saartay.

Dhowr jeer oo hore ayaa dadaalo kala duwan oo la sameeyay waxaa colaada Ukraine laga soo badbaadiyay Soomaali farabadan, kuwaas oo soo dhaweyn ka helay qaar kamid ah dalalka Yurub.