WARARKA SOOMAALI

DFS oo ka hadashay sababta dib loogu soo celiyay xiriirkii Somalia iyo Kuuba

By xuseen waashitoon

April 08, 2023

Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyay muhiimadda xiriirka diblomaasi ee Soomaaliya ay la yeelaneyso dalka Kuuba iyo booqashadii uu dalka ku yimid Wasiirka Arrimaha dibadda Finland.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamc ayaa ku sheegay wareysigiisa in labada waddan ay xiriir diblomaasi lahaayeen intii u dhaxaysay 1972 – 1977, haatan ay ku heshiiyeen in ay sii wadaan.

“ 1977,dii waa waqti hore, hadda waxaynu joognaa 2023,intii u dhaxeysay caalamka wax fara badan ayaa iska bedelay, inagoo kale, dowlad qubad leh oo xoog leh la ciseeyo ayaynu ahayn, Dowladdeynii waa duntay, haddana cidla ayaynu wax ka soo abuurnay, dowlad ayaan maanta haysanaa, caalamka waa isu guur guuray, waad ogtahay Yurub waa qeybsaneyd, waa midoowday, waxay noqotay hadda Midowga Yurub bey sameysay, 27-wadan baa is doontay oo sameystay urur, xilligaas waxaa jiray Jarmalka oo qeybsanaa wuu midoowbay,” ayuu yiri Wasiir Haruuse.

Sidoo kale, wasiirka ayaa tilmaamay in hadda ay ku shaqeeyaan siyaasad ah inaan Soomaaliya wax cadow ah yeelan, saaxibo badana yeelato, taas oo kor u qaadeysa horumarka iyo diblomaasiyadda dalka.

Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse ayaa ka hadlay ujeedka booqasho uu Muqdisho ku yimid wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dalka Finland Pekka Haavisto.

Dowladaha Soomaaliya iyo Finland ayaa iska kaashanaya arrimaha la xiriira amniga, howlgalka ATMIS, Waxbarashada, caafimaadka iyo in ay gacan weyn ka geystaan Barnaamijka la xiriira isbedelka Cimilada.