HORUFADHI MEDIA |

DFS oo amar Culus dul-dhigtay Muwaadiniinta Kenya ee u soo safraya Somalia

Dowladda Federaalka Soomaaliya amar Culus kusoo rogtay Muwaadiniinta Kenyanka iyo Diblomaasiyiinta dalkaas ee doonaya inay u soo safraan gudaha dalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in muwaadiniinta Kenyanka ah ee u soo safraya Soomaaliya looga baahan yahay Dal-kugal (VISA), isla markaana ka soo qaataan Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

Sidoo kale waxaa lagu wargeliyay Muwaadiniinta Kenyanka ee ku safraya Baasaboorka Diblomaasiga iyagana looga baahan yahay inay ogolaanshiyaha dal ku galka ka geystaan Wasaaradda Arrimaha  dibadda Soomaaliya.

Sababta amarkaan loo saaray ayaa dowladda waxaa ay ku sheegtay inay tahay mid lagu doonayo in lagu xaiijiyo amniga, hagaajinta habka socdaalka dalka yareeynta khataraha Cudurka halista ah ee Coronavirus, wuxuuna amarkaan dhaqan galayaa 13-ka Bishaan.

Hoos ka Akhriso Qoraaalka kasoo baxay dowladda Federaalka.

Exit mobile version