WARARKA SOOMAALI

DFS, M/Goboleedyada iyo Beesha Caalamka oo Maanta shir Caalami ah u furmaya

By Xuseen Post

December 07, 2020

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ka furmaya shir xasaasi ah oo u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo xubnaha Beesha Caalamka, kulankaas oo ay ka qeyb geli doonaan Madaxda ugu sareysa dalka.

Shirka Somalia Partnership Forum oo ah shir Sanadla ah ayaa lagu wadaa in uu ka furmo gudaha Xarunta Xalane ee Muqdisho, halkaas oo maalmaha soo socda lagu gorfeyn doono waxyaabihii u qabsoomay dowladda iyo waxyaaabihii ay ka gaabisay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa furi doona Shirka oo hal maalin socon doona, isagoo ka jeedin doona khudbad uu uga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Inta uu socdo shirkaas ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo kala duwan, waxaana diirada lagu saari doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, Arrimaha doorashooyinka dhacaya, amniga iyo horumarada kala duwan oo ay gaartay dowladda Federaalka.

Shirka  ayaa ka qeyb-geli doona maamul Goboleedyada  oo uga qeyb geli doona aalada ZOOM-ka, sidoo  kale Madasha shirka goobjoog ka ahaan doona inta badan Wakiilada Beesha Caalamka, waxaana siweyn looga hadli doonaa muranka Guddiyada Doorashada.