Madaxwyenaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa amar ku bixiyay in diyaarad caafimaad oo gargaar degdeg ah ku qalabeysan oo diro magaalada Muqdisho.
Diyaaradan oo ah kuwa caafimaadka ayaa Muqdisho u tegi doonta inay ka qaado dadka dhaawacoodu liito ee wax ku waxyeeloobay qarixii weynaa ee shalay ka dhacay Muqdisho, iyadoo ay la socdaan dhaqaatiir caamaad oo la tacaalaya dhaawacyada.
Turkiga ayaa noqday dalkii ugu horeeyay ee ka jawaaba codsigii dowladda Soomaaliya saacado gudahood, waxaana tani ay muujineysaa in madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu yahay shaqsi u dhow umadda Soomaaliyeed.
R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Goor dhowayd sheegay inay dalal kala duwan Dawladdu ka codsatay inay gurmad deg-deg ah u soo fidiyaan dadka dhaawaca ah, kuwaasi oo Waxyeelo kasoo gaadhay Weerarkii Waxshinada ahaa ee shalay ka dhacay Muqdisho.