WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:Dagaal xoogan oo hadda ka socda Degmada Ciidamadii ugu badnaa oo la dhoobay jidka isku xidha Gobalka…

By Abdi rashid

June 15, 2017

War Deg-deg ah;Iska horimaad hubeysan oo u dhexeeya ciidamada dowlada iyo maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ayaa ka socda duleedka Koofureed ee magaalada Balcad gobolka Sh/dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in iskahorimaadkan uu ka bilowday kadib markii gaari kuwa dagaalka ah uu dul maray miino meel u jirta 8km magaalada Balcad waxaana ku dhintey labo kamid ah ciidamadii saarnaa gaariga miinada la qaraxday halka lix kalana ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa kadib ayaa waxaa uu dagaal dhex maray ciidamadii ka badbaaday miinada iyo maleeshiyaad larumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabaab.

Rasaasta ayaa weli laga maqlayaa goobta uu iskahorimaadku ka dhacay iyadoo halkaasna ay gaareen ciidamo gurmad ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in tirada ciidamada dowlada ee iskahorimaadka ku dhintey ay gaarayaan labo askari halka qaar kale ay ku dhaawacmeen.

Lama oga khasaaraha soo gaaray maleeshiyaadka Alshabaab ee dagaalka qeybta ka ah. kala soco wixii faahfaahin ah Horufadhi