WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Xubnaha golaha wakiilada Soomaliland ugu jira Gobalada Sool iyo Sanaag oo isaga baxay Kalfadhigii Saaka.

By Abdi rashid

August 06, 2019

Hargeysa (HM)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Hargeysa ayaa sheega in Xildhibaanada golaha wakiilada maamulka Soomaliland ugu jira gobolada Awdal, Sool iyo Sanaag bari ay goordhow isaga baxeeen fadhigii golaha wakiilada ee Saaka.

Xildhibaanada oo qaarkood warbaahinta la hadlay waxay sheegeen inaan doorasho laga qabanayn deegaanadooda ilaa xal laga gaadho Heshiiska saami qaybsiga kuraasta wakiilada ee Maamulkaas.

Waxaa xusud mudan in Gobalada Awdal, Sool iyo Sanaag bari ay Golaha wakiilada ee Maamulkaas ku leeyihiin  xubno gaadhaya 23-xildhibaan oo kaliya. halka gobolada, Saaxil, Togdheer, Maroodijeex oo ay beel kaliya degantahay ay leeyihiin 59-Xildhibaan.

Goordhow filo muuqaalka iyo wixii kasoo kordha.