WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Xal laga gaaray khilaafkii Doorashada ee Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi

By xuseen waashitoon

December 11, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta Xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble, Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday hadlay dardar gelinta howlaha doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Gobollada Woqooyi ee Somaliland.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in xal buux laga gaaray madmadowgii ka dhex jiray labada dhinac, waxaana isku afgartay in horay loo sii wado doorashada.

Dhowr jeer oo hore sidaan oo kale waxaa uu khilaaf soo kala dhex galay Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed, waxaana la isku haayay oo kaliya cida maamuleysa doorashada kuraasta Xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhawaan dalbaday in la hakiyo doorashada 16 kursi oo ay soo saareen Guddiga doorashada Somaliland, waxaana khilaaf uu soo kala dhex galay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, balse waa la xaliyey.