WARARKA SOOMAALI

Deg Deg Daawo:-Hoggaamiyaha jabhadda xoreynta ssc oo waraysi xasaasi ah bixiyey-Video+Akhriso

By Abdi rashid

August 14, 2019

Laascaanood (HM)-Hogaamiyaha Jabhadda xoreynta Gobalada Ssc Col.Faysal Falaalug oo goordhow waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyey Warbaahinta Horufadhi News ayaa waxaa uu sheegay in uusan joojin doonin Dagaalka uu kula jiro maamulka Soomaliland.

Ugu horeyn waxaan waydiinay halka uu ku sugan yahay isaga iyo Jabhadiisu waxaana uu sheegay in uu ku sugan yahay Gobalka Sool isla markaana Ciidankiisa ay meelo badan kaga sugan yihiin Gobalka iyo Magaalada Laascaanood nawaaxigeeda.

Waxaan kale oo aan Faysal waydiinay ujeedada dagaalka uu ka leeyahay,waxaana uu sheegay in ujeedka uu u dagaalamayaa ay tahay Soomaalinimo iyo inuu deegaanada Ssc ka difaaco wax uu ugu yeedhay cadow kusoo duulay oo uu uga jeedo maamulka Hargeysa.

Waxaan kale oo waydinay Hoggaamiyaha Jabhadda xoreynta mar hadii uu Soomaalinimo u dagaalamayo xidhiidhka ka dhaxeeya jabhadiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana uu sheegay in Dowladda Soomaaliya uu baaqayo badan u direen isla markaana u sheegeen in ay ogaadaan in Dadka deegaankan ay u dhimanayaan Calanka Soomaaliya.

Mar aan wax ka waydiinay waxa uu uga jawaabayo eedaynta Soomaaliland eedayso marka uu weerar gaysato Jabhadu in Maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalku soo hubayso waxaa uu sheegay in hadalka Soomaliland uu yahay marmarsiinyo aan sal iyo raad lahayn isla markaana cid ay Hub iyo dhaqaale ka helaan aysan jirin ee Dagaalku uu yahay mid ay wadaan Dadka reer Ssc isla markana 12kii sano ee lasoo dhaafay uu ahaa dagaal soo socday ee uusan ahayn hada wax bilow ah.

Waxaan kale oo waydiinay madaama jabhadihii isaga ka horeeyay ilaa maamulkii Khaatumo si is daba jooga Hoggaamiye yaashoodii ay wax ay dagaal kula jiraan Soomaliland ay marka dambe ku kala biiraan maamulada Soomaliland iyo Puntland sida isaga lagu aaaminayo wuxuu sheegay in arrintaas looga bartay ragii isaga ka horeeyay ee deegaanka kasoo jeeday isla markaana ay arrin caado ah ka noqotay deegaanka balse isaga waxaa uu sheegay in uusan meelna isla markaana uu sii wadayo dagaalka.

Waxaan sidoo kale waydiinay waxa uu ka yaqaano Horjoogaha Jabhada la magac baxday dulmi diid ee uu hoggaamiyo Korneyl Caare waxaana uu sheegay inuu maqlay Jabhadaas isla markaana hadii uu u dagaalamayo Caare Mab,ada Soomaalinimo ay wada shaqayn doonaan hadii kalena aysan shaqo isku darsan doonin.

Waxaan waydiiney Su,aal ahayd “Caare wuxuu wada hadal la furay xabad joojina kla heshiiyey maamulka Soomaliland ,ee hadii ay adna kula soo xidhiidhaan ma joojinaysaa Dagaalka?,, wuxuu kaga jawaabay in uusan wada hadal la furi doonin Maamulka Hargeysa ilaa inta ay deegaanada Khaatumo ku sugan yihiin isla markaana dagaal uun uu kala dhaxeeyo.

Ugu dambayn Hogaamiyaha Jabhadda xoreynta deegaanada Khaatumo Col .Faysal Falaalug waxaa uu baaq u diray bulshada deegaanada wuxuuna ugu baaqay in ay ka qayb galaan wax uu ugu yeedhay halgan iskood ah oo ay isaga qaadayaan Cadowga cuna qabateynta ku haya mudada dheer, isaga oo intaas ku daray in ay shacabka Ssc la shaqeeyaan.

Maamulka Hargeysa iyo Maleeshiyaadka ka jooga Laascanood ayaa bilihii u dambeeyay waxaa soo wajahday cabsi xooggan kadib markii ay weeraro isbadajooga oo mir u badan kala kulmeen Jabhada uu Hogaamiyo Col. Faysal Falaalug. taasoo keentay in aysan Habeenkii seexan isla markaana wadooyinka Magaalada laga soo galo iyo kuwa laga baxaba ay bilaabeen inay ku baadhaan Baabuurta dadweynaha.

HALKAN KA DAAWO WARAYSIGA