WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Ra’iisul Wasaaraha Suudaan oo xabsi Guri la geliyay iyo Ciidamo hubeysan oo..

By xuseen waashitoon

October 25, 2021

Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk ayaa xabsi guri la geliyay waaberigii hore ee saakay oo Isniin, sida uu  baahiyay TV Alxadath ee dalkaas.

Askarta ka tirsan ciidanka dalka Suudaan ayaa isku gedaamay hoyga Ra’iisul Wasaaraha, arrintan ayaa daba socota xariga saraakiil dowladda ka tirsan oo ay xir xireen ciidanka, dadka la xirey waxaa kamid ah; golaha sare ee xukuma dalka iyo lataliyaha arrimaha warbaahinta Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Telefashinka Aljazeera wariye ka tirsan oo Suudaan jooga ayaa ku soo waramaya in Isgaarsiinta dalkaas ay xadidan tahay, taas oo muujinaysa xaaladda murugsan ee Suudaan.

Dalka Suudaan ayaa waxaa ka jira hubanti la’aan siyaasadeed tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii dalkaas Cumar Albashiir bishii Abriil 2019.

Bishii hore qaar kamid ah military Suudaan ayaa isku dayay afgembi inkastoo uu fashilmay isku daygaas, waxaana Magaalada Khartuum saaka ka jirga xaalad Jahwareer ah, kadib markii xabsi guri la geliyay Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk.