Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa mid is-miidaamin ah ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka isgoyska Sayidka oo ay bar-koontarool ku leeyihiin ciidanka amniga.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxan loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qaraxa, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo xiray aaga meesha ay wax ka dhaceen.