WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Qarax xoog leh oo Goor dhow Magaalada Muqdisho

By xuseen waashitoon

February 10, 2022

Waxaa Goordhow qarax xoogan uu ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Ceel-gaabta ee degmada Xamar-Jajab ee Gobolka, waxaana qaraxaas dhacay jugtiisa inta badan laga malqay inta badan degmooyinka Gobolkaan Banaadir.

Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid Is-miidaamin ah oo uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, isla markaana uu ku qarxay Isgoyska Ceel-gaabta.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan oo ay fureen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka.

Qaraxa ayaa dhacay, xili wadada Isgoyska Ceel-gaabta ay xiran tahay, isla markaana loo xiray Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, taasi oo ka socota Dugsiga tababarka Jeneraal Kaahiye ee Muqdisho.