Waxaa goordhaw qarax Is-miidaamin ah oo uu fuliyay ruux jirkiisa kusoo xiray waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay Xero lagu tababaro ciidanka milatariga Soomnaaliya oo lagu magacaabo Xero Nacnac.
Xeradan qaraxa Is-miidaamin uu ka dhacay oo kutaala degmada Wadajir kuna dhaw xerada ciidamada Turkisom ayaa la sheegay in tababar lagu siinayay askar iyo saraakiil kamid noqonayay milatariga Soomaaliya .
Akari kamid ahaa ciidanka tababarka qaadanayay si hoosana uga tirsanaa Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in uu fuliyay qaraxa Is-miidaamin ah ee ka dhacay xero Nacnac.
Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan ka dhacay xerada tababarada ciidamada ee Nacnac, waxaana goobtaasi gaaray saraakiil iyo ciidamo katirsan dowlada oo baaritaano sameenaya.