WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Qarax Goordhow ka dhacay Magaalada Marka

By xuseen waashitoon

December 08, 2021

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax goordhawyed si weyn looga maqlay jugtiisa xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha hoose, waxaana la helayaa faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan Qaraxaasi.

Qaraxa ayaa yimid kadib markii meel u dhaw Saldhig Boolis oo ku yaalla Magaaladaasi Lagu tuuray Bom-gacmeed, kaasi oo jugtiisa si weyn loo maqlay, waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Saldhigga ayaa ku yaalla halka loo yaqaanna Suuqa dhoobayda, waxaana dad goobjoogayaa ah ay inoo sheegeen in markii Bom-ka lagu tuurayay goobta ay ku sugnaayeen Ciidamo iyo dad shacab.

Isku socodka guud Goobta ayaa la xiray, waxaana socda Baaritaanno, iyadoo goobta ay soo gaareen Ciidan kale oo Boolis ah, kuwaaasi oo ammaanka adkeeyay.