HORUFADHI MEDIA |

DEG DEG:-Puntland oo ku dhawaaqday Go’aan weyn oo ka soo horjeeda Somaliland

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowlad Goboleedka Puntland, ayaa maanta oo Talaado ah joojisay in Imtixaanaadka Somaliland la geyo Gobollada Sanaag iyo Haylaan.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa lagu amray dhammaan mas’uuliyiinta Sanaag iyo Haylaan u qaabilsan Puntland, in ay hor-istaagaan Imtixaanaadka Somaliland.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa bahda Waxbarashada iyo shacabka kunool Haylaan iyo Sanaag uga mahadcelisay sida wanaagsan ay uga shaqeynayaan horumarinta iyo hirgelinta siyaasadda Waxbarashada ee Maamulka Puntland.

Wasiirka Waxbarashada oo ka soo jeeda Sanaag ayaa saamayn xooggan ku leh Gobolkaas, waxaana lagu xasuustaa in dadaalkii uu geliyay in Ciidamo badan oo Sanaag u dhashay ka soo baxaan Somaliland, islamarkaana ku biiraan Ciidamada Puntland.

Hoos ka Akhriso Qoraalka.

Exit mobile version