Hargeisa ( HM ) Madaxweynaha maamulka Soomaliland Muuse Biix Cabdi ayaa goordhowayd Isku shaandhayn ku sameeyay Gollaha Wasiirada, Wuxuuna Xilalkii ay hayeen Wareegto Madaxwayne uga qaaday.
Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax : Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda.
Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin) : Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
Cismaan Aadan Jaamac : Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
Xuseen Ibraahim Xasan Buuni : Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame : Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda
WUXUU WAREEGTO MADAXWAYNE KU MAGACAABAY MASUULIYIINTA KALA AH.
1. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
2. Axmed Maxamed Diiriye Cige Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.
3. Siciid Sulub Maxamed Xuseen Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga.
4. Saleebaan Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.
5. Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.
6. Mustafe Maxamuud Cali Bile Wasiirka Wasaaradda Caddaalada.
7. LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
8. Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
9. Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
10. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.
11. Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka.