HORUFADHI MEDIA |

DEG DEG:-Madaxweyne Farmaajo oo hakiyay kulankii Baarlamaanka ee maanta loo balansanaa-Akhriso

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hakiyay kulankii maanta oo sabti loo balansanaa ee Baarlamaanka, xilli ay cirka isku shareertay xiisada u dhaxeysa Baarlamaanka iyo Xukuumadda ee ka dhalatay mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari.

Agaasimaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa xaqiijiyay in la hakiyay kulankii Baarlamaanka ee maanta loo balansanaa, kaddib soo jeedin ka timid Madaxweynaha.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid lagu baajinayo qalalaase iyo fowdo ka dhex bilowda Baarlamaanka, haddii uu kulanka furmo, waxaana tan iyo xalay soo baxayay hadalo dhiilo ah oo labada dhinac ay hawada isku marinayeen.

Madaxweyne Farmaajo oo aan wali ka hadlin xiisada ka dhex bilaabatay Golaha Shacabka ayaa haatan u muuqda mid ku soo baxay oo soo farageliyay xaalada cirka isku shareertay., kaddib baaqyo kala duwan oo ka soo baxay siyaasiyiinta iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo ku taliyay in xaalada la dejiyo, loona tanaasulo danta dalka.

Labada dhinac ayaa labo ajande oo kala gaar ahaa ku balansanaa kulanka maanta, taasoo xaalada ka dhigtay mid cakirnaanta, isla markaana hawada la isku mariyo hanjabaado kulul oo midba midka kale uu ku difaacayo ajandahiisa.

Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari ayaa ku adkeysanayay in kulanka maanta ee Sabtida looga doodo kulanka Baarlamaanka, halka Xildhibaanada ka soo horjeeda oo qaba in Mooshinka uu jabay ajandahooda ahaa in looga doodo kulanka arrinta Beledxaawo ee darbiga Kenya ka dhiseyso.

War qoraal ah oo ka soo baxay Guddoomiye Jawaari oo uu xalay saxaafada u akhriyay Guddoomiye kuxigeenka labaad Mahad Cawad ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay inuu gabay xilkii ka saarnaa ilaalinta dastuurka iyo shuruucda dalka ee kala madax banaanida Hey’addaha sharci dejinta, Fulinta iyo Garsoorka, waxaana si toos ah ay u sheegeen in Madaxweynuhu ku lug yeeshay khilaafka taagan oo dhinaca Xukuumadda la saftay.

Exit mobile version