Garoowe ( HM) Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa Somaliland ku eedeyey in ay dhulka Puntland ka wadaan dhaqdhaaqyo xadgudub ah isagoo Shacabka Puntland ugu baaqay in ay difaacdaan dhulkooda iyo sharaftooda . “Reer Puntland Dulqaadkii waa ka dhamaaday maamulka Hargeysa wuxuu heli doonaa wuxuu naga raadinayo”. ayuu yidhi Madaxwayne Siciid Deni.
Hadalka Madaxwayne Deni ayaa ku soo beegmaya iyadoo Soomaliland Ciidamo badan keentay degaanka Yubbe oo u dhow Badhan isla markaana aysan muuqan wax tilaabo ah oo madaxwayne Deni iyo xukumadiisu kaga jawaabayaan dhaqdhaaqa Ciidan ee Soomaliland Sanaag iyo Sool.