WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Kulan u socda Madaxweyne Guudlaawe iyo Taliyaha NISA

By Xuseen Post

January 19, 2021

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa xiligaan Xarunta Hay’adda Nabadsugida Qaranka kulan kula leh Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji.

Warar la helayo ayaa sheegaya in kulanka dhexeeya Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Taliye Fahad Yaasiin looga wada hadlayo Arrimaha doorashada dalka ka dhacaya ee uu ka taagan yahay khilaaf xoogan oo u dhexeeya Madaxda dowladda iyo Musharaxiinta.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa noqonaya Madaxweynihii seddexaad ee Dowlad Goboleedyada taabacsan dowladda Federaalka oo xarunta Nabadsugidda ugu taga Taliyaha Nabadsugidda, waxaan sidaan oo kale horrey Taliska Nabadsugidda loogu qaabilay Madaxweyne Qoor-Qoor iyo Madaxweyne Lafta-gareen.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa horey kulan ula qaatay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, iyagoona ka wada hadlay xal u helida khilaafka ka taagan doorashada.

Weli muran xoogan ayaa ka jira qabsoomida doorashada dalka Soomaaliya ee 2021, waxaana dhawaan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku dhawaaqay in la hirgelinayo doorashada, iyadoo Musharaxiinta ay ka digeen in la qabto doorasho ay ka maqan yihiin maamulada Puntland iyo Jubbaland.