Guddoomiyaha deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho Maxamed Abuukar Afrax ayaa waxaa goor dhaweyd qarax xoogan lagula eegtay inta u dhexeeysa degmada Kaxda iyo Garasbaaleey ee Gobolkaan.
Qaraxaa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu haleelay gaari nooca raaxada oo uu la socday Guddoomiye Maxamed Abuukar, xili uu marayay waaxda Fooriloow, waxaana soo gaaray dhaawac culus.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Garasbaaleey ayaa xaqiijiyay in Guddoomiye Maxamed Abuukar Afrax uu ugu geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray qaraxii lala eegtay, isagoo markii hore loola cararay Xarun Caafimaad oo la geeyay.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir oo ay uga hadlayaan qaraxa uu ku dhintay Guddoomiyihii deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho.