HORUFADHI MEDIA |

DEG DEG:-Guddi loo magacaabay Cabashada waalidiin Carruurtooda maqan yihiin

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddi u magacaabay cabashada waalidiin Soomaaliyeed oo Carruurtooda laba sanno kahor tababar loogu qaaday dalka Eritrea.

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu ku magacaabay Guddiga oo baaris dhab ah ku sameeyn doona cabashada ay qabaan waalidiin farabadan oo sheegay in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo tababar loogu diray Eritrea.

Guddigaan ayaa ka kooban 5-xubnood, waxaana Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji, isla markaana waxaa ku jira Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Dhalinyaradan tababarka ciidan loo qaaday oo kumanaan gaaraya ayaa la sheegay in laga qeyb geliyey dagaalka gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya,  qaar badan oo ka mid ahna lagu dilay halkaas, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Exit mobile version