WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Fahad Yaasiin oo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka loo doortay

By xuseen waashitoon

February 20, 2022

Waxaa Maanta Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle ka bilaabatay doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop#086 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ahaa Axmed Maxamed Axmed Dhaga-Caleen iyo Fahad Yaasiin Xaaji Daajir oo ahaa Agaasimihii hore ee NISA ahna La-taliyaha amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo.

Doorashada kursiga Hop#086 ayaa waxaa kusoo baxay oo ku guuleystay Fahad Yaasiin oo helay 70-cod, halka Musharaxii la tartamayey Axmed Maxamed uu isna helay 24 Cod, waxaana doorashada coddeeysay 97 ergo, saddex Codna waa halaawday.

Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay Natiijada doorashada, iyagoona sheegay inuu kursiga Hop#086 uu kusoo baxay La-taliyaha amniga Qaranka Fahad Yaasiin, isagoona kamid noqday Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA