Dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow war ka soo saartay xariggii iyo howl galkii xalay lagu qaaday Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, kaasoo Ciidamo ka tirsan Nabadsugida ay ugu dhaceen gurigiisa, kuna soo xireen.
Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Dahir ayaa lagu sheegay in hey’adaha amniga iyo xeer ilaalinta ay maalmahan wadeen baaris dambiyo lagu tuhunsan yahay muwaadiniin, kaasoo ku aadan falal dambiyeed qiyaano qaran, khal khal gelin iyo bur burin.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/casiis Cali Ibraahim ayaa saxaafada u akhriyay war saxaafadeedka, ayaa sheegay in C/raxmaan C/shakuur uu si cad uga horyimid ruqsadii loo heystay in gurigiisa la baaro inuu ka soo horjeestay, isla markaana ciidankii ilaalada u ahaa ay bilaabeen rasaasta,
Waxaa uu sheegay in isagoo bad qaba C/raxmaan C/shakuur ay ciidamada amniga gacanta ku soo dhigeen, sidoo kale ay hey’adaha amniga la soo wareegeen qalab la aamisan yahay inay ka qeyb weyn ka qaadan doonto baaritaanka.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in tallaabadan ay u mareen Ciidamada amniga si waafaqsan sharciga, isla markaana Maxkamad la horkeeni doono Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.