WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Dhul-gariir 2-aad oo ka dhacay Morocco & Tirada dadka dhintay

By xuseen waashitoon

September 10, 2023

Barqanimadii maanta oo Axad ah ayaa waxa uu Dhul-gariir Cusub ka dhacay magaallada Maraakish ee dalkaasi,  hal maalin kadib Dhul-gariir ay ku dhinteen in ka badan 2,000 oo qof.

Xarunta La-socodka Dhul-gariirada Europe ayaa sheegtay in Halbeega Dhul-gariirka Cusub uu ahaa 4.5 Richter Scale,  kaasi oo 9-kii barqanimo ee  maanta ka dhacay meel 77 KM dhanka K/Galbeed kaga toosan Maraakish.

Sida laga soo xigtay Telefishinka Sky News ayaa waxay Xarunta Dhexe ee La-socodka Dhul-gariirka ee Europe (EMSC) sheegtay in Dhul-gariirka maanta ka dhacay dalka Morocco uu yahay kii 9-aad ee laga dareemay dalkaasi 35-kii saacadood ee la soo dhaafay.

Lama soo sheegin khasaaro ka dhashay Dhul-gariirka mar kale maanta laga dareemay dalkaasi. Dhul-gariirkii Habeenkii Jimcaha ka dhacay dalkaasi ayaa waxaa ku dhintay 2,012 qof.

Dhul-gariirkaasi ayaa waxaa lagu tilmaamay kii ugu dhimashada iyo xooga badnaa Dhul-gariiradii ka dhacay dalkaasi muddo 120 sano ah.

Dhul-gariir bishii February 29-dii ee sanadkii 1960-kii ka dhacay magaallada Agadir ee dalka Morocco waxa uu ku dhintay ugu yaraan 12,000 oo qof