WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Dagaal xoogan oo ka socda Magaalada Guriceel (DAAWO)

By xuseen waashitoon

October 23, 2021

Dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Galmudug iyo Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca ayaa goor dhow ka qarxay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.

Dagaalka ayaa xoogiisa haatan ka socda dhinaca waqooyi ee Guriceel, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan oo la maqlayo dhawaqa rasaasta dhaceysa iyo qoryaha laga rido hubka Cul Culus.

Dagaalkaan ayaa ka dambeeyay, kadib markii xalay Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ay gudaha u galeen qeyb kamid ah Magaalada Guriceel oo ay ku sugnaayeen Ciidanka Waljamaaca, iyagoona la sheegay inay isaga baxeen Saldhiga Magaalada.

Guddoomiyaha Guriceel, Anas Cabdi Macalim oo la hadlay warbaahinta ku hadasha Afka dowladda ayaa u sheegay in Ciidanka oo ay la socdaan Maamulkii Magaalada inay la wareegeen inta badan gacan ku heynta Magaaladaas.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKAÂ