WARARKA SOOMAALI

Deg Deg Daawo:Fariin Caafimaad oo Muhiim kuu ah wakhtiga Roobka Dartii iyo Dhakhaatiir kugula talinaya sidan-Video

By A. Hindi

April 30, 2017

Dhaqaatiirka ka howlgasha Magaalada Garowe ee caasimadda Maamulka Puntland ayaa ka digay caafimaad daro ka dhalata biyaha Roobka.

Dr. Maxamed Xasan Carabey oo ka mid ah Dhaqaatiirka ka howlgasha Magaalada Garowe oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu ka digay caafimaad daro ka dhalata Roobabka xilliga Guga ee ka curta Gobolada dalka Soomaaliya.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Waxa uu sheegay dadka ku nool Magaalada Garowe iyo dadka Barakacayaasha in uu uga digayo in ay u dhowaadaan godadka biyo fariisanka ah, maadaama la galay xilli roobaad.

Inta badan xilliyada Roobabka ayaa biyaha fariista godadka ee wasaqeysan waxaa ka dhashay cudurada faafa.