Site icon HORUFADHI MEDIA |

Deg Deg Daawo:-Sarkaal goordhow la toogtay iyo Xaalada Degmadda oo kacsan-Video

Muqdisho (HM) – Koox hubeysan oo watay gaari nooca raaxadda ah ayaa Maanta ku dilay degmada Hodan gaar ahaan Xaafadda Barmuudo Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sidda ay HM  u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka dilka ayaa dhacay xilli uu kasoo baxay Saldhig ay Ciidanka Booliska ku leeyihiin Xaafadda Barmuudo.

Sarkaalka la dilay, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Canshuur waxaa uu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Booliska degmada Hodan ka howlgalla.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kooxda dilka gaysatay, ayaa la sheegay inay wateen gaari yar oo nooca raaxada ah, kadibna ay ku baxsadeen markii ay dileen Sarkaalkaasi.

Al Shabaab ayaa muddooyinkaan dambe kordhiyay beegsiga iyo dilalka qorsheysan ee ay u gaysanayaan ciidamada ka tirsan dowladda Fedeeralka Soomaaliya.

Exit mobile version