Site icon HORUFADHI MEDIA |

Deg Deg Daawo:-Puntland oo Dagaalkii Buuraha Galgala Ciidanka Puntland iyo Shabaab ku dhaxmaray dusha ka saartay Somaliland-Video

Garoowe (Horufadhi News)-Gudiga Difaaca Puntland oo warbahinta la hadlay ayaa ka hadlay dagaalka Puntland la gashay Al-Shabaab iyo xaaladda Tukaraq,waxaana ay sheegeen in ciidanka Puntland ay soo weerartay Argagixiso caalami ah oo ay qayb ka tahay Somaliland.

War-saxafadeedka waxaa lagu sheegay in ay dagaalka ku jireen sarakiil uu kamidyahay Maxamed Cabdulahi Bataar oo lagu xusay in uu katirsanyahay guutada 8aad ee Ciidanka Maamulka Somaliland,kana soo jeeda degaanadda Somaliland.

Wasiirka Amniga maamulka Puntland Axmed Cabdulahi Yusuf oo warbixinta jeediyey ayaa sheegay in kooxdani ay soo weerareen ciidanka Puntland ee fariisimadiisu tahay Bali-khaddar ,iyadoo halkaa ay kula kulmeen dagaal xoogan oo lagu jabiyey.

Wasiirku waxaa uu sheegay in Ciidanka Puntland ay soo gaadhay waxyeelo kooban,halka buu yidhi ay dhimasho iyo dhawac xoogan gaadhsiinay kooxda Alshabaab ee weerarka soo qaaday.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirku waxaa uu dagaalkan ku tilmamay mid lagu hakinayo qorshaha Puntland ay kusoo ceshanayso degaanadda Gobolka Sool,waxaana uu yidhi, taasi waxba u dhimmi mayso dadaalada lagu xoreynayo dadka iyo deeganka Gobolka Sool ee ay dhibatada ku hayaan Maamulka Hargeiza.waa sida uu u dhigay war-saxafadeed goordhow kasoo baxay Gudiga Difaaca Maamul Gobaleedka Puntland.

Warkan kasoo baxay Gudigga Difaaca Puntland ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa iyadoo waxyar ka hor warbixin ay soo saareen ururka Al-shabaab ay Dagaalka Guullo waa weyn kaga sheegteen Puntland.

 

Exit mobile version