WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Ciidanka Somaliland oo isaga baxay degaan ka tirsan Sanaag

By xuseen waashitoon

January 26, 2023

Wararka aan ka heleyno duleedka deegaanka Yubbe ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in saqdii dhexe ee xalay deegaankaasi ay isaga baxeen ciidamadii Maamulka Somaliland gaar ahaan kuwa Milateriga ee ku sugnaa.

Dadka deegaanka Yubbe oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in ciidamadii Milateriga Somaliland ay isaga tageen degaanka, isla markaana ay faarujiyeen Saldhigyada iyo fariisimihii ay ku lahaayeen.

Lama oga sababta ay ciidamada Somaliland uga baxeen deegaanka Yubbe ee Gobolka Sanaag, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha ciidamada oo ay uga hadlayaan ka bixitaanka ciidankooda ee deegaankaas.

Tallaabadaan ayaa kusoo aadayeysa, xilli lagu wado in uu maalmaha soo socda magaalada Laascaanood ka furmo Shirka wadatashi ah oo ay yeelan doonaan Waxgaradka iyo dadka deegaanka Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Laascaanood ayaa waxaa  todobaadyadii lasoo dhaafay ka dhacaayay banaanbaxyo waaweyn oo ay dhigayeen dadka deegaanka magaaladaas oo kasoo horjeeday Somaliland, waxaana banaanbaxyada oo xoogeystay sababeen in dagaal uu ka dhaco magaalada, isla markaana halkaas ay isaga baxaan ciidamadii Somaliland ee joogay.