WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Ciidamo Gadoodsan oo xirtay Xarunta lagu qabto Doorashada Baladweyne

By xuseen waashitoon

March 28, 2022

Ciidamo hubeysan ayaa waaberigii hore ee saaka xirtay halka laga galo Xerada lama-gaalay oo lagu qabto doorashada Golaha Shacabka ee deegaan doorashada labaad ee Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Ciidankaan ay ka gadoodsan yihiin hannaanka loo marayo doorashada kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay HOP#059, kaasi oo ay ku tartamayaan Musharaxiin dhowr ah.

Waxaa socda kulamo kala duwan oo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisada ka taagan aaga Xerada lama-gaalay ee Magaalada Baladweyne, waxaana dadaalka wada Odayaasha dhaqanka ee leh kursigaan.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa lagu arkay Ciidammo ka gadoodsan doorashada kuraasta Golaha Shacabka wallow markii dambe la xaliyay.