Hargeysa (HM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaliland ayaa sheegaya in Ciidamada Booliiska maamulka Somaliland ay Xabsiga u taxaabeen masuuliyiin sare oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.
Ciidamada Soomaaliland gaar ahaan kuwa Booliska oo ku gaashaaman Baabuurta Mileteriga ayaa goordhow Xabsiga u taxaabay Barkhad Jaamac Batuun Afhayeenkii Xisbiga Waddani iyo Xogyaha Xisbiga Wadani Khadar Xuseen Cabdi.
Xaalada Magaalada Hargeysa ayaa caawa kacsan iyadoo laga cabsi qabo in gacan ka hadal ka dhasho xiisadda siyaasadeed ee faraha kasii baxaya, waxaana boqolaal ciidamo ah la dhigay xarumaha iyo goobaha ay ku xoogan yihiin dadka u janjeedha dhanka mucaaradka.
Xisbiyada Somaliland ayaa waxaa ka dhaxeeya khilaaf dhanka doorashadda ah gaar ahaan Goleyaasha degaanka iyo baarlamaanka oo muddo shan jeer ah la baajiyey.
Ismaandhaafka ugu badan ayaa ka taagan Guddiga maamulaya coddeynta oo mucaaradku dalbanayo in gebigooda la bedelo, taasoo xisbul xaakimka Kulmiye aqoonsaday.
Madaxweyne Biixi oo Guddiga soo magacaabay ayaa lagu haystaa laba xubnood kuwaas oo la sheegay in ay ku jiraan xubnihii kolkii hore la duray.
Mucaaradka ayaa ku doodaya in xubnihii hore ay u jaran-jeereen dhanka xukuumadda. Hase ahaatee, waxaa eedeyntaas waxbo kama jiraan kasoo qaadey maamulka.
Somaliland oo sheegata in ay ka madax banaan tahay Soomaaliya inteeda kale tan iyo 1991-dii balse aanu dunida aqoonsaneyn ayaa waxaa ka jirta cabudhin iyo xadhig xooggan.
Wixii kasoo kordha Horufadhi News