WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Abwaan Hadraawi oo Maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa

By xuseen waashitoon

August 18, 2022

Waxaa Maanta Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland ku geeriyooday Allaha u naxariistee Abwaankii weynaa ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi.

Geerida ku timid Abwaanka ayaa waxaa xaqiijiyey qaar kamid ah Eheladiisa iyo mas’uuliyiin kala tirsan Somaliland, Abwaanka ayaa waxaa la sheegay inuu maalmihii lasoo dhaafay uu xanuusanayey, balse xanuunkii haayay uu u dhintay.

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Madaxda Soomaalida ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Hargeysa.

Abwaanka Maxamed Hadraawi ayaa ka mid ahaa maqaawiirta Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga {AGA}, sidoo kalena ka mid ahaa tiirarka loogu Jecel yahay fanka Soomaaliyeed.