WARARKA SOOMAALI

Dalalka ugu Awoodda badan Baasaboorada Caalamka oo la shaaciyay

By xuseen waashitoon

July 19, 2023

Dalka Singapore ayaa kaalinta koowaad ka galay Baasaboorada ugu awoodda badan caalamka, taa oo ka dhigan muwaadiniinta dalkaa inay fiiso la’aan ku gali karaan 192 waddan oo caalamka ah, iyadoo booska koowaad kala baxday Japan.

Dalalka Germany, Italy iyo  Spain ayaa booska labaad soogalay oo 190 Dalka uu fiiso la’aan ku tagi karo qofka heysta baasaboorkooda, halka Japan, oo kaalinta koowaad gashay shantii sano ee la soo dhaafay, hadda waxay kaalinta saddexaad kula jirta France, Austria, Finland, Sweden, Luxembourg, iyo South Korea, iyaguna 189 waddan ayay fiiso la’aan ku tagi karaan.

Mareykanka, oo kaalinta koowaad galay 2014, ayaa hoos ugu dhacay kaalinta siddeedaad, 184 waddan ayaana muwaadiniinta Marekanka ay fiiso la’aan ku tagi karaan.

Soomaaliya oo sare u kac gaabis ku socda sameynaysay, ayaa ka fogaatay inay ka soo muuqato booska u dambeeya ,kaalinta 99 oo ay ku jirto, waxay  muwaadiniinta Soomaalida ah fiiso la’aan ku tagi karaan 35 waddan, halka Afgaanistaan ​​oo ku jirta kaalinta 103 lagu qiimeeyay dalka ugu awooda yar, waxaana Baasaboorkooda lagu tagi karo kaliya 27 waddan, waxaana ku xiga Yemen, Pakistan, Syria iyo Iraq.