WARARKA SOOMAALI

Dalalka G7 oo sii wadaya taageerada Dhaqaale & Ciidan ee ay siiyaan Ukraine

By xuseen waashitoon

June 28, 2022

Hogaamiyayaasha toddobada waddan ee hodanka ah ayaa sheegay in ay garab taagnaan doonaan Ukraine “ilaa inta ay qaadanayso” iyaga oo cunaqabatayn saaraya Ruushka.

“Waxaan sii wadi doonaa bixinta taageerada maaliyadeed, bini’aadantinimo, militari iyo diblumaasiyadeed, waxaana aan garab istaagi doonaa Ukraine inta ay qaadanayso,” ayay ku sheegeen hoggaamiyeyaasha hadal ay soo saareen.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Talaaddada beri ah u safri doono Tajikistan, waxana uu afhayeenkiisu uu sheegay in uu yahay safarkiisii ugu horeeyay ee uu dibadda ku aado tan iyo markii Moscow ay billowday howlgalkeeda militari ee Ukraine.

Putin ayaa sida oo kale la filayaa in maalinta arbacada ah uu usii safro dalka Turkmenistan, halkaa oo uu ka furmi doono shir madaxeedka wadamada xuduudka la leh badda Caspian.