WARARKA SOOMAALI

Dagaal xoogan oo dhexmaray Ciidanka Hirshabeelle iyo AMISOM

By Xuseen Yare

July 06, 2020

Muqdisho (HM)-Wararka aan ka heleyno Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas Maanta uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan Booliska Hirshabeelle iyo kuwa AMISOM ee halkaas ku sugan.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay agagaarka Madaxtooyada Maamulka Hirshabeelle, waxaana dagaalka dhexmaray Ciidanka Booliska iyo kuwa AMISOM qeyb ka ahaa kuwa Ilaalada Madaxtooyada.

Warar la helayo ayaa sheegaya in dagaalkii ka dhacay Jowhar uu ka dhashay muran la xiriira dhul ku yaalla meel ku dhow Xarunta Madaxtooyada Maamulka Hirshabeelle, waxaana inta uu dagaalka socday la maqlayay dhawaqa rasaas Culus.

Dad ku sugan Jowhar ayaa ku warramay in dagaalkaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, In kastoo aan la xaqiijin Khasaaraha inta uu la egyahay, maadaama ay adkaatay in aaga laga Agdhawaado.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka  Maamulka Hirshabeelle oo ay uga hadlaayan dagaalkii Khasaaraha geystay ee ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulkaas.

Horufadhi News.