WARARKA SOOMAALI

Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay degaano ka tirsan Hirshabeelle

By Xuseen Post

July 07, 2021

Dagaal Beeleedkan oo geystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacay tuulooyinka dayma-same iyo Maandheere oo hoostaga Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Dagaalka oo salka ku haaya arrimo la xiriira isku qabsiga dhulal ayaa waxaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday Afar Ruuux oo labada dhinac ah, hayeeshee uu si iskiis ah u joogsaday dagaalka.

Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Magaalada Jowhar ayaa ugu baaqay maleeshiyaadka dhinacyada ku dagaalamay degaannada hoostaga magalada Jowhar inay dagaalka joojiyan, isla markaana wax walba miiska wada-hadalka ay ku dhameeyaan.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in dhawaan ay ku baxaan Goobaha lagu dagaalamayo, si ay wada-hadallo dib u heshiisiin ah ugu furan Beelaha dagaalamay six al nabadeed loo gaaro.

Mas’uuliyiinta & lamaha Amiga Magaalada Jowhar weli kama hadlin dagaalkaas, hayeeshee uu yahay mid 20-kii sano ee la soo dhaafay kusoo laab laabtay degaannada hoostaga Magaalada Jowhar.