WARARKA SOOMAALI

Dagaal khasaaro dhaliyey oo Maanta ka dhaca degaan ka tirsan Mudug

By xuseen waashitoon

December 15, 2022

Wararka aan ka heleyno deegaanka Galgala ee galbeedka Gobolka Mudug ayaa sheegaya in duhurnimadii Maanta uu deegaankaasi ka dhacay dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan oo deegaanka wada-dega.

Dagaalkaan oo muddo kooban socday ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray maleeshiyo beeleedka dagaalamay, in kastoo aan la xaqiijin tirada rasmiga ee dadka waxyeelada kasoo gaartay dagaalkii dhacay.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in dagaalka uu salka ku haayo arrimo la xiriira dhul-daaqsimeed ku yaalla miyiga galbeedka Mudug, dadka deegaanka Galgala ayaa waxaa ay kusoo warrameen inay dareemayaan cabsi dagaal kale oo dhaca.

Xaaladda degaanka Galgala ayaa haatan waxaa ay tahay mid dagan, waxaana weli halkaas isku hor-fadhiyo maleeshiyo beeleedka uu dhexmaray dagaalka, iyadoona laga cabsi qabo inay mar kale dagaalamaan, mana jirto cid kala dhex gashay.