Israsaaseyn u dhexeeysay rag hubeysan oo Maleeshiyaad ah oo saaka dhacday duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.
Israsaaseynta ayaa bilaabatay, kadib markii Maleeshiyaadkii hubeysnaa ay isku qabsadeen arrimo la xiriira dhul ku yaalla xaafad ka tirsan Magaalada Dhuusamareeb, isla markaana mid kamid ah Maleeshiyaadka uu carooday.
Dadka deegaanka ayaa ku warramay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta oo socotay muddo kooban, isla markaana ay geysatay khasaaro isugu jira dhimasho dhaawac, iyadoona xaaladda ay degan tahay xiligaan.
Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku geeriyooday Israsaaseynta oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Caabi oo kamid ahaa ragga dhulka ka Ganacsada ee loo yaqaano dalaalka, waxaana ku dhaawacmay ruux kale oo maleeshiyaadka kamid ahaa.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Magaalada Dhuusamareeb oo ku aadan Israsaaseyntii ka dhacday duleedka Magaalada, waxaana xusid mudan in xiliyada qaarkood deegaano ka tirsan Galgaduud ay Israsaaseyn ku dhexmarto maleeshiyaad hubeysan, una abaabulan qaab qabiil.