WARARKA SOOMAALI

Dagaal Hub iyo saanad ciidan looga qabsaday Al-Shabaab oo Maanta dhacay

By xuseen waashitoon

April 25, 2023

Dagaal xooggan oo u dhexeeyay ciidanka xoogga dalka, kuwa deegaanka oo isku dhinac iyo Al-Shabaab ah ayaa waxa uu Maanta ka dhacay deegaan hoostaga magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Dagaalkan ayaa waxa uu ka danbeeyay, kadib markii ciidanka xoogga ay weerar qorsheysan ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen Shabaabka oo ku yaalla Tuulada Jameeco, kadibna sidaas ayuu ku bilowday dagaalka oo la isku adeegsaday hub culus.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in Shabaabkii ku sugnaa Tuulada Jameeco lagala wareegay deegaanka, isla markaana looga qabsaday hub iyo saanad kale.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaas kusii daray in howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ay kasii socon doonaan deegaanada Maamulka Hirshabeelle gaar ahaan Gobolka Hiiraan, ayna ciidanka qorsheynayaan inay qabsadaan deegaanno hor leh.

Si kastaba, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dagaalo dhinacyo badan kula jirta Al-shabaab, iyadoo dhawaan Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Cabduqaadir Jaamac iyo saraakiil kamid ah ciidanka Milateriga ah ay sheegeen inay bilaabayaan wejiga labaad ee howlgalka.