WARARKA SOOMAALI

Dagaal culus oo dhexmaray kooxda macwiisleyda iyo Al-shabaab & Faahfaahinta

By xuseen waashitoon

August 31, 2022

Dagaal u dhexeeyay kooxda macwiisleyda iyo Al-shabaab ayaa waxaa uu ka socday deegaanka Ceel-cadde oo 60-KM u jira Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dad la hadlay warbaahinta gudaha ayaa u sheegay in dagaalkii dhacay uu ka dambeeyay, kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen degaanka Ceel-cadde, sidaasina uu ku bilowday dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan.

Saraakiil u hadlay kooxda macwiisleyda ee maleeshiyaadka isku abaabulay ah ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerar kaga yimid dhanka Al-shabaab, isla markaana ay dagaalka shabaabka ku gaarsiiyeen khasaaro, in kastoo aysan tirro shaacin.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ka socday howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab oo ay wadeen Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Hirshabeelle, howlgalka ayaa dhaliyey khasaaro lixaad leh.