WARARKA SOOMAALI

Khasaaro ka dhashay Weerar lagu qaaday Dad ku tukanaayay Masjid ku yaal Afgooye

By xuseen waashitoon

February 09, 2022

Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa uu xalay ka dhacay Masjid ku yaalla degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana weerarkaas qaaday dabley hubeysan oo aan heyntooda la garan, kuwaasi oo markii dambe goobta ka baxsaday.

Dad Goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa u sheegay in weerarka uu ka dhex dhacay Masjidka Raqayle ee degmada Afgooye, xili lagu dilay Salaadii Cishaha ee xalay, waxaana dhacdadaas Argagax ay ku abuurtay dadkii ku tukanayey Masaajidka.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday weerarka, halka saddex qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, waxaana la sheegay in qofka dhintay la toogtay, xili la wada Sujuud-sanyahay oo lagu jiray Salaadii Cishaha.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa loo soo qaaday dhanka Magaalada Muqdisho oo la dhigay mid kamid ah Isbitaalka ku yaalla Caasimadda, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibiyo, waxaana Ciidanka Booliska ay wadaan howlgalo kala duwan oo lagu raadinayo dadkii ka dambeeyay dilkaas loo geystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.