Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gallo ay si wadajir ah ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay saacadihii la soo dhaafay uga sameeyeen koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka, kadib qaraxii xooganaa ee ka dhacay halkaasi.
Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu soo qab qabtay rag lala xiriirinayo qaraxii is-miidaaminta ahaa ee khasaaraha geystay ee ka dhacay Gaalkacyo.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka hoggaaminaya howlgalka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay ragga lasoo qabtay lagu xiray Saldhiga Magaalada, isla markaana xiligaan ay ku socdaan baaritaano kala duwan.
Qaraxii is-miidaaminta ee Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay Gaalkacyo ayaa waxaa ku geeriyooday Saraakiil sarsare oo ka tirsanaa Ciidanka dowladda Fedeaalka iyo dad kale oo shacab ahaa oo ka qeyb qaadanayay soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble.
Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxaas ka dhacay koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, iyagoo sheegtay inay la beegsadeen Saraakiil muhiim ah oo ka tirsanaa dowladda iyo Galmudug.