WARARKA SOOMAALI

Dad ku dhintay Shil naxdin leh oo ka dhacay Puntland

By xuseen waashitoon

May 06, 2023

Faah faahino kasoo baxaya shil gaari oo aroornimadii hore ee saaka ka dhacay degaanka Yaka-yaka oo ka tirsan degmada Qardho ee Gobolka Karkaar ee Puntland, shilka Ayaana yimid, kadib markii gaari nooca Soomaalida u taqaano NOHA uu rogmaday.

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo haween ah ayaa ku geeriyooday shilkaas ka dhacay deegaanka Yaka-yaka, halka ay ku dhaawacmeen lix qof oo kale oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga shilka oo la sheegay inuu ku socday xawaare dheereeya.

Saraakiisha ciidanka ilaalada waddooyinka dowlad Goboleedka Puntland ayaa xaqiijiyay in shilkan uu galay gaari nooca loo yaqaan Nooho oo rakaab siday, isla markaana ay haatan wadaan baaritaan ku aadan dhacdada.

Dhaawacyadii ku waxyeelloobay shilka oo qaarkood, sida la sheegay culus yihiin ayaa dhammaantood loo qaaday xarumaha caafimaadka ee ku yaalla magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland, halkaas oo lagu la tacaalayo xaaladooda.

Si kastaba, deegaannada Maamulka Puntland ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca shilal geysta khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana inta badan shilalkaasi loo sababeeyaa darawalada oo gaadiid xawaare sare ku wada iyo wadooyinka oo qaar oo burbursan.