Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dad ku dhintay dab qabsaday gaari ka baxay Magaalada Muqdisho

Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ku gubtay gaari rakaab ah oo ay la socdeen dad shacab ah oo ka baxay Magaalada Muqdisho.

Gaarigaas oo ahaa nooca Soomaalida u taqaano laan-guruusalka ayaa waxaa qabsaday dab xoogan xili uu socdaal ku marayay meel dhow deegaanka Sadax higlo ee Gobalka Mudug, kaasi oo ka baxay Muqdisho kuna sii jeeday Magaalada Gaalkacyo.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay dabkaas qabsaday gaariga ay saarnaayeen dadka, waxaana goobta ku geeriyooday 2 ruux oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga.

Sidoo kale 5 ruux ayaa dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen dabkaas oo si kedis ah u qabsaday gaariga, isla markaana waxaa dadka dhaawacmay gurmad u sameeyay dad xoolo dhaqato ah oo biyo ku demiya dabka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dabkaas uu ka kacay gudaha gaariga ee kusii jeeday Magaalada Gaalkacyo, maadaama uu galay safar saacado badan qaatay, isla markaana uu sii maray dhul bacaad ah.

Exit mobile version