WARARKA SOOMAALI

Dad falal amni darro ka waday Jubbaland oo si halis lagu qabtay iyo dad weli…

By Xuseen Post

February 11, 2021

Xili maalmihii ugu dambeeyay ay magaalada Kismaayo ka dhacayeen dilal iyo qaraxyo saameyn ku yeeshay bulshada magaalada ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay maamulka dagmada Kismaayo.

Maamulka ayaa sheegay inay socdaan howlgallo ammaanka lagu xaqiininayo iyo baaritaanno la xariira kooxaha geysanaya falalka amni darrada ah ee ka dhacaya Magaalada kismaayo.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee magaalada Kismaayo Cabdullaahi Maxamed Cabdi ayaa sheegay in Jubbaland ay ku dadaaleyso sugida amniga ee Magaalada, isla markaana kaliya u baahan yihiin wadashaqeynta Bulshada.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in ay ku raad joogaan dadka dilalka falalka amnidarro ka geysta Magaalada, sidoo kalena qaarkood ay gacanta ku dhigeen dhawaana ay Maxkamad horkeeni doonaan.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda gaar ahaan DANAB ee Mareykanka uu tababaray, kuwa Jubbaland iyo Ciidamo Kenyan ah oo ka tirsan AMISOM, hayeeshee ay ka dhacayaan qaraxyo iyo dilal qorsheysan.