WARARKA SOOMAALI

Dabeylo xoogan oo waxyeello gaarsiisay Guryo ay deganaayeen qoysas badan

By xuseen waashitoon

January 29, 2022

In ka badan 60 guri oo ay deganaayeen qoysaskii dhawaan laga soo celiyay Xeryaha Qaxootiga ee Dadaab Kenya iyo qoysas kale oo kunool Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa burburiyey Dabeylo xoogan oo ku dhuftay Gobolka.

Guddoomiyaha degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada Cumar Cabdullaahi Maxamed faraweyne oo la hadlay VOA-da ayaa u sheegay inay gurmad u sameeyeen qoysaska ay waxyeelada u geysatay dabeysha ku dhuftay degaano ka tirsan Jubbada Hoose.

Guddoomiyaha Cumar Cabdullaahi Maxamed faraweyne ayaa tilmaamay in dhibaatada dhacday ay tahay mid weyn oo Maamulka kaliya uusan wax ka qaban karin, wuxuuna Ganacsada iyo dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaatan gurmadka.

Qoysaska ay waxyeelada gaarsiisay dabeysha xoogan ee ku dhufatay xeebaha Gobolka Jubbada Hoose ayaa haatan wajahaya xaaladdo adeg, iyagoona qoysaska tilmaamay in aysan heysan guryo ay dabeysha iyo dhaxanta ka galaan.

Ma’an markii ugu horreeysay oo sidaan oo kale dabeylo xoogan ugu dhuftaan Jubbada Hoose, waxaana dhowr jeer oo horey dhacday dabeylo burburiyey guryo farabadan oo ku yaalla Magaalada Kismaayo iyo degaano kale oo hoostega Magaaladaas.