Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dab xoogan oo baabi’iyay Suuq ku yaalla Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Suuq weyn oo ku yaalla Xaafadda Galmudug ee ku taalla duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa aroornimadii hore ee saakay ka kacay dab xoogan oo socday muddo ku dhow saacad, kaasi oo geystay khasaaro hantiyadeed.

Dabka ayaa markii hore ka kacay qeybo ka mid ah Suuqa has’ahaate waxa uu ku faafay dhammaan qeybaha uu ka koobanyahay, iyada oo gurmadkii loo baahnaana aysan helin dadka lahaa goobaha Ganacsiga.

Goobjoogayaal ku sugan goobta uu dabku ka kacay ayaa sheegay in qeybaha lagu Iibi jiray Qudaarta Dharka, Macuunta in uu gaaray, isla markaana gebi ahaan uu baaba’ay suuqa Xaafadda lagu magacaabo Galmudug.

Dhinaca kalana qaar ka mid ah Ganacsatada ayaa sheegay in goobaha Ganacsiga gaar ahaan kuwa waaweyn ee gubtay ay gaarayaan ku dhawaad 20-Dukaan oo iskugu jira Bacadlayaal, Maacuun iyo goobo agabyo kale lagu Iibin jiray.

Dadbkaan ka kacay suuqa Xaafadda Galmudug ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay dabeylo xooggan ay ka jireen Magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale amar soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo looga hor tegayo dadka ka kacaya Muqdisho.

Exit mobile version